Magacaygu waa khadar waxaan bartay programming anigoon wax mentor ah haysan, mana aaminsani in mentor khaas ah uu u baahan yahay qof-ka raba inuu coding bartaa, waayo waxad heli karaysaa koorsis free ah iyo waliba kuwo qiimo jaban taaso an hubo 90% qofka somaliga ahi in uu awoodi karo, balse waxa uu qof u baahan yahay ayaa ah qodobadan aan kaga hadli doono mawduucan, anigoo diirada saaraya qaabka aad u baran karto xirfadan(programming) master-na ugu noqon kartid adigoo ka war qabaya mar xaladaha aad mari doontid.
Xasuusin
qormadan kagama hadli doono barasha mawduuc cayiman sida luuqad ama framework
waxa jira kalmado english kuwaaso aan u waayay somali ku haboon
Mindset (hab-dhaqan maskaxeed)
Comfortzon (aaga rayn-raynta)
Dhamaanten ma jeclin in aan ka baxno waxa ay nafteenu ku dareemayso raaxada, waana ta inaga yeelaysa in ay inagu adkaato qabashada shay cusub oo ka baxsan waxyaabaha aan hore u qaban jiray. sidaas darteed marka aad rabto barshada shay cusub waxa ugu horeeya ee la rabo in aad fahanto ayaa ah, waa okay inaad caajis dareento, waa okay inaad focus-ka si yaroo fudud ku waydo,balse waxaaso dhan waad ka gudbaysaa, waadna ku enjoy garayn marka aad la qabsato ee aad baratid, balse ugu horaynta samir oo dulqaado.
Short results (natiijoyin-dhaqso ah)
marka aan bilawno barashada shay cusub waxa aan raadino ayaa ah natiijo dag-dag ah, balse waaqica saxda ah ayaa ah, habayaraate ma jirto wax aad si sahlan iyo waqti gaaban aad ku heli kartaa ama ku gaadhi kartaa. balse aamin in aad u baahan tahay waqti, ma ogid waqtiga aad heli doontid shaqadaad rabtay, ma ogid waqtigaad ku noqon lahayd qof master ku ah shaygii aad barashadiisa bilawday, ma ogid waqtigaad ku dhisi lahayd project-gii aad xiisaynaysay dhisitaankiisa, waxaan kusoo gaba-gabaynayo qodobkan ayaa ah tusaale aan ka so xiganayo buuga atomic-habits ee uu qoray James Clear ayaa waxa uu kaga hadlayaa tusaalaha geed la yidhaahdo "bamboo" ,
geedkan ayaa waxa ay ku qaadata 5 sano in uu dhisto xidido qoto dheer iyadoo mudadas uu dhererkiisu yahay mid gaaban oo aan ka dheerayn dherer-ka qof qaan gaadh ah (2 meter) balse,5 sano oo uu samaystay xidido qoto dheer oo fidsan waxa ay ku qaadata 90 maalmod oo kaliya in uu geedkan dhererkiisu gaadho 27 meter.
Focus on the system not the goal ( Diirada saar qorshaha )
waxa aan inta badan ku mashquulna goolashena balse waxa ka qurxan in aynu focus-ka saaro system-kii aan raaci lahayn sidii aynu u gaadhi lahayn goal-kas, waana ta la rabo in aan ku dadaalno inagoo u fiirsanayna waxyaabaha caqabadaha inagu ah ha noqdaan mentaly amaba physicly oo aynu raadino xalalka caqabadeheena, tan oo inoo saxaysa wadadii aynu u raaci layahn hadafkeena, sidaas darteed ka shaqee oo focus-ka saar system-ka ama qorshaha aad ku gaadhi lahayd hadafkaaga, goals-ku marnaba isma badalayan balse waxa shaqada u baahan waa system-ka aad u raacayso hadafkaaga.
Maxa ka yeela shay mid ay adag tahay barashadiisu ?
hadii aan is waydiino maxaa ka yeela shay mid ay dadku ku sheegan mid ay adag tahay barashadiisu, waxa aan ogaaday in ay yihiin laba shay oo kaliya. labadan shay oo kala ah
in uu u baahan yahay waqti badan iyo
in uu rabo aqoonta shay ka hor barshada shaygad rabto inaad barato
hadii aan tusaale usoo qaadano xisaabta waxa ay u baahan tahay waqti badan si aad u xalisid math problem, sidoo kalana inta badan waxa ay caan ku tahay si aad u barato topic x in aad aqoon u leedahay topic y, hadii aad labadan fahantid waxan hubaa in aadan odhan doonin mar dambe waxaasi wuu adag yahay, balse aad taas badalkeeda fahmi doontid waxa uu shaygani rabo si aad u baratid.
intaas ka bacdi aan isla eegno sida aad ku baran kartid xirfada coding-ka/programming-ka, inagoo ku horaynayna qaabka aad ku guuldaraysan kartid inagoo intas ka bacdi sixi doona qaladaadkeni inaga yeelay kuwo guul daraystay.
How to fail learning how to code
qaabka aan u sharixi doono qodobkan ayaa ah in aynu samaysano shaqsiyad khiyaali ah taaso aynu ugu yeedhi doono cali, hadaba cali waxa uu qaatay dhawr course sidoo kale waxa uu baranaayay coding-ka mudo bilo ah balse nasiib daro ma uusan arkin wax isbadal ah isagoo intas ka bacdi ka niyad jabay oo joojiyay hayaankiisi barashada coding-ka, hadaba aan isla eegno qaabka uu cali ku guul daraystay iyo waxa uu sameeyay.
cali ma uusan lahayn qorshe cad markii uu bilaabayay hayaankiisa wax barasho
waxa ay ahayd in uu cali dagsado qorshe cad, sida in uu yidhaahdo waa in aan ku noqdaa front-end developer mudo sanad ah
sido kale waxa fiicnayd in uu ogaado cali, sababta ka dambaysay barashada coding-ka, ma wuxuu rabay in uu helo shaqo mise se uu dhiso fikradiisa ganacsi
waxa uu sidoo kale bilaabay qaadashada koorsoyin laakin waxa uu kaliya samayn jiray ayaa ah in uu copy and past sameeyo isagoon fahmin qaabka uu u shaqaynayo code-ka uu qorayaa
waxa ay ahayd in uu cali fahmo waxa uu qabanayo code ka uu qarayaa
isku day in aad code qorto halkii aad copy paste ka samayn lahayd
sidoo kale cali ma uusan practice-garayn jirin wixii uu bartay si uu kor ugu qaado aqoontiisa isagoo xalinaya challenges yar-yar
kadib marka uu bartay qaabka loo dhiso feature waxa ay ahayd in uu isticmaalo oo uu dhiso feature la mida kii uu bartay isagoon macalinka raacayn
sidoo kale waxa fiicnayd in uu naftiisa ku challenge gareeyo in uu xaliyo coding challenges
sidoo kale waxa fiicnayd in aanu dag-dagin si uu dhameeyo koorso, waayo koorso aad dhamaysaa marnaba macno ma samaynayso, balse waxa macnaha samaynayaa waa waxa aad si qoto dheer u fahmaysid
sidoo kale ma uusan practice-garayn jirin aqoontisa isagoo dhisaya fikrado uu isagu la imaaday
in aad practice garayso waa sida kaliya ee aad coding ku baran karayso laakin saaxibken cali ma uusan samayn taas
tani ma ahan doorasho, balse hadii aanad practice garayn coding-ka adigoo dhisaya small projects kuwaaso ka baxsan coursa-dii aad qaadatay ma gaadhi doontid meelna, Practice Practice Practice Practice
la imo fikradahaga ama kasoo qaado features kuwaaso aad rabto in aad dub u dhisto platforms jiray
iska ilaali in aad ku dhacdo dabinka loo yaqaano tutorial hell-ka
tutorial hell: in aad awood u yeelan waydo dhisada project kaligaa adigoon raacayn hagitanka macalinka
waxa ku dhici jiray cali frustration (isku-buuq) marwalba oo uusan qorin code qurux badan oo perfect ah
qor 100 line oo code ah adigoon ka fikirayn tayada code-ka aad qorayso
in aad qorto code clean ah waxay ku imanaysa waqti markaa ha dagdagin saaxib
ogsoonow in aad code kaas ku laaban kartid bilo ka bacdi oo aad refactoring ku samayn karto
cali waxa uu waayay dhiiri-galintii waayo waxa uu ku fikiray in uusan baran karayn wax walba kadib markii uu arkay inta luuqadood iyo framework ee jirta
mar walba qirsanaw in aadan wax walba wada baran karayn
kaliya baro waxa aad u baahan tahay si aad u gaadho hadafkaaga
kadib markii uu cali dhameeyey dhawr course, waxa uu ku fikiray in uu yahay developer wuxuuna bilaabay in uu diro codsiyo shaqo balse cid qaadanaysaa ma jirto waayo xaata ma uu san dhisin project yar kaligii.
tan ayaa ah halka is fahan daradu ka jirto
courses-ku waa kaliya bar-bilaw waana bilawga safarkaaga, hadaba aan ka hadalno qaabka aad ku noqon kartid job-ready developer inagoo tusaale ahan usoo qaadanayna (psychological phenomenon) daraasad cilmi nafsiyadeed taaso loo yaqaano "Dunning-Kruger Effect" kuna saabasan sida qofka kalsoonidiisa iyo waxa uu yaqaana aysan ula mid ahayn waxa xaqiiqda ah ee uu yaqaano iyo heerka uu gaadhsiisan yahay takhasus-kiisu taaso ku sababta in uu naftiisa ku sameeyo overstimation/buunbuunin.
Dunning-Kruger Effect
Kadib markaynu wax ka baranay qaladaadkii cali, iyo siduu u xalin karo imika aan isla eegno marxaladaha uu mari doono inta uu ku jiro hayaankiisa wax barasho inagoo isticmaalayna Dunning-Kruger Effect.
horizontal-line : line-ka jiifa waxa uu muujinaya heerka aqoonta ama takhasuska
vertical-line : line-ka taagana waxa uu muujinaya heerka kalsoonida
heerarka uu mari doono cali ayaa kala ah :
Peak of "Mount Stupid"
marka u horaysa ee uu qof barto shay cusub waxa kor u kacda kalsoonidiisa
sidoo kale waxa ay aaminan in ay garanayan wax badan waayo ma oga waxyaabaha aysan garanayn ilaa hada
waxa ayna ku fikirayan in ay wax walba garanayan
hadii aynu ku dabaqno stage-kan(Peak of "Mount Stupid") tusaalaheni qisada cali, kadib markii uu cali qaatay dhawr course oo kala duwan, lana dhisay dhawr project oo yar yar macalimintii uu wax ka dhiganayay waxa uu ku fikiray in uu yahay developer wayn awoodna u leh in uu dhisi karo project-gii uu ku riyoonaayay in uu dhiso, balse waynu wada og-nahay in uu ku jiro xaaladan Peak of "Mount Stupid".
Valley of Despair
ka dib marka ay sii wadan wax barashada waxa ay ogaanayan in ay jiraan waxyaabo badan oo wali aysan garanayn
intaas ka bacdi waxa hoos u dhacda kalsoonidoodi
stage-kana waxa uu ka dhigaa kuwo aamina in aysan garanayn wax saas u sii badan sidii ay aaminsanaayen iyagoo waaya dhiirigalintii
tan oo ku sababi karta in ay ka caajisan amaba xaata halkaas kaga joogsadan oo ay is dhiiban
cali markan isma uusan dhiibin balse wuxuu sii waday barashada ashyaadas ku cusub isagoo aaminay in aysan jirin in ay qasab tahay ogaanshaha wax walba, balse ay muhiim tahay in aad kaliya ku dadaasho sidii aad kor ugu qaadi lahayd aqoontaada una waajihi lahayd challenges-kas cusub.
Slope of Enlightenment
ka dib sii wadida wax barashadooda waxa dub usoo kacda kalsoonidoodi
balse markan waxa realistic ah in ay wax badan ka yaqaanan shaygii ay baranayeen
waxa ay noqdaan kuwo awood u leh qabashada ashyaa waawayn waliba iyagoo ka war qaba awoodahoda iyo xadidaanshahoda.
cali markan waxa uu bartay wax badan, waxa uu waajahay intaaso problem kamana uusan niyad jabin, waxa uuna aaminay in ay tahay in aad wax garan waydaa qayb kamida hayaankaga wax barasho, waxa uuna dhisay projects waawayn halkaas oo uu ku bartay topics uusan waligii macalin ama course uu qaatay midna ka barteen, tan oo cali ku hogaaminaysa stage-ka xiga kaaso ah
Plateau of Sustainability
heerkan qofku waxa uu gaadhay heer uu yahay xirfadiiste taaso ku timaaday khibrad
iyadoo kalsoonidiisu la mid tahay heerka khibradiisa
hada waxa ay fahansan yihiin waxa ay qabanayan iyagoo bari kara dad kale sidoo kalena ku dabiqi kara cilmigooda waxa ay rabaan in ay naftooda u qabtaan ama qof kale u qabtaan shaqo (jop-ready).
intaas ka bacdi imika cali waxa uu usoo samray caqabado badan, wuxuuna aqoon buuxda u leeyahay waxa uu qabanayo taaso ka dhigaysa mid awood u leh in uu dhiso project-gii uu ku riyoonayay kana yeelay mid soo dhex muquurta waxanoo heerar ah laakin imika ugu yaraan waxa uu ku faani karaa naftiisa, caqabadihii uu wajahay ee ka ilmaysiin jiray balse uu u samray xaliyayna xasuusahodu waxa ay ka yeelayan mid emotional noqda marwalbuu xasuusto .
laakin intan kuma eeka wax barashadu maalin walbana waxa uu baranaya waxyaabo cusub.
Conclusion
intaas ka bacdi waxa aan rabaa in aan la wadaago talooyinkan qof walboo dhalin yaro ah oo raba inuu barto coding/programming waanadas oo ah sida tan, mar walba bilawgu wuu adag yahay balse dhabar adayg, wax baro maalin walba hana ka caajisin, samayso roadmap oo raac "one step at a time" ha dagdag balse taas badalkeeda isku day in aad si fiican u fahantid wixii aad baranaysay, isku day in aad hesho macalin kaaso ay kula tahay in aad wax ka baran karto, isku day in aad ku biirto bulshooyin aan somali ahayn iyo kuwo ahba, wax walbood u baahato google garee, baro luuqada english-ta hadii aanad ku wacnayn waayo english-tu waa udub dhexaadka programming-ka.
Sanado badan, waxa dhib saa’id u wayni ka taagnayd in aanad awood u lahayn isticmaalka (await) meel ka baxsan async function. hadaba caqabadan ayaa laga gudbay kadib markii lagu soo daray feature kan luuqada sanadii 2022 (ES2022). hadaba aan sii dhex galno wax yaabaha ay haboon tahay inad ogaato inta aadan isticmaalin ka hor iyo waliba qaabka saxda ah ee loo isticmaalo.
Hadaba waa maxay top-level await ?
Top-level await waxa ay kuu ogalanaysaa in aad isticmaasho await module scope kaaga dhexdiisa adiga oo aan u baahnayn in aad dhex gelisid async function.
// Before: await waxad u bahnayd in aad dhex galisid async function
// si aad u sugtid promise-ka lasoo celinayo
(async () => {
const data = await fetchData();
console.log(data);
})(); //  Immediately Invoked Function Expression (IIFE)
// After: Top-level await, uma baahnid wax async function ah
const data = await fetchData();
console.log(data);
Waa maxay limitionska ku horyaala, waa maxayse meelaha aad u isticmaali kartaa ?
Hadii an ku horayno xadidanshaha (limitions-ka) feature-kan top-level await waxa ka mida;
in aanad awood u lahayn in aad isticmaasho await adigoo isticmaalaya CommonJs module system
sidoo kale awood uma lihid in aad isticmasho wixii ka horeeyay node version 14
waxa aad awood u leedahay isticmalka top-level await;
marka aad isticmaalayso ECMAScript modules
iyo waliba node version 14 iyo wixii ka dambeyay
Hab isticmaalka
Marka la joogo qaybta front-end ga waxa aad u baahan tahay in aad isticmaasho type=module attribute taaso ka dhigan in aad, leedahay module type system-ka an isticmaalaya waa ECMAScript modules
// or
hadii aynu isla eegno qaybta server-kana(node) waxa kaliya ee aad u bahan tahay waa node version 14 iyo wixii ka dambeeyay, iyo in aad isticmaasho ECMAScript modules type system
// package.json file
"type": "module"
// index.js file
const response = await fetch('https://jsonplaceholder.typicode.com/todos');
const todos = await response.json();
console.log(todos.slice(0, 5));
!IMPORTANT : shay ay mudan tahay inaad ogaato ayaa ah in Top-level await ay block-garayso module-ka
Marka aan isticmalno Top-level await module dhexdiisa, dhamaan code-ka ka dambeeya await waa la istaajinaya si loo sugo await inta ay ka noqonayso resolved (ama ay kasoo qaadayso data-da la doonayo).
taas oo macnaheedu tahay sida tan;
Code-ka ka dambeeya await waa la istaajinaya ilaa promise-ku ka noqonayo Resolved
Hadii module soo import-garaynayo module kaaso isticmaalaya top-level await, module-ka wax soo import garaynayaa waxa uu sugi doona module-ka uu so import garaynayo inta uu ka dhamaysanayo fetching-kiisa uuna noqonayo resolved promise.
Dabeecadan ayaa dhalin karta su’aasha ah, marka ay promises-ku yihiin asynchronous oo aysan sababin wax blocking ah, waa maxay sababta ay ugu dhaqmayso top-level await qaabkan ?
intaynaan ka jawaabin su’aashan aan isla fahano waxa uu yahay blocking-ku?
marka aan leenayahay top-level await blocks the module, kama wadno waxa blocking lagu samaynayaa dhamaan engine-ka amaba threadka sida loops-ku u sameeyan, balse waxa laga wadaa kadib isticmaalka await waxuu suspend ama hakad ku samaynaya dhaman code ka dambeeya await ee isla module-kas dhexdiisa ama module kale kaaso so import garaynaya module-ka isticmalaya await tan iyo ilaa ay ka noqonayso resolved.
hadaba markan isla fahanay macnaha saxda ah ee blocking aan ku laabano su’aasheni hore, kadib isticmalka await waxa ay ka dhigan tahay sidii in aad leedahay javascript, waxaad sugtaa ilaa inta task-gaas laga dhamaynayo, hana u gudbin laynka xiga mudadaas.
console.log("1️⃣ Module started");
const response = await fetch('https://jsonplaceholder.typicode.com/todos/1');
console.log("⏳ Waiting for fetch to resolve...");
const data = await response.json();
console.log("✅ Data received:", data.title);
console.log("2️⃣ After top-level await");
// Expected output
1️⃣ Module started
⏳ Waiting for fetch to resolve...
✅ Data received: delectus aut autem
2️⃣ After top-level await
hadaba waxa aad suuraysata hadii uusan jiri lahayn wax hakad ah kadib isticmaalka await?
const response = await fetch(...); // no pause
const data = await response.json();
console.log(data); // ⚠️ waxay noqonaysa undefined amaba code-ka oo dhan ayaa failed garobaya
Conclusion
Top-level await waxa ay meesha ka saaraysa isticmalki faraha badnaa ee asyn functions-ka (boilerplate), laakin tan macnaheedu kama dhigna in top-level await ay tahay badalka async functions-ka, balse ay tahay feature kaaso u baahan taxadir marka aan isticmalayno, iyada oo ay wanagsan tahay in aanad u isticmalin top-level await tasks-ka kuwaaso qaadanaya waqti badan si ay u noqdaan resolved.
intaynan bilaabin mawduuca waxan qodobayn doona farsamooyinka inaga caawinaya inaan ka dhigno maalinkena maalin wax barasho.
Passion (xiisayn)
Discipline
Pomodoro Technique
Bedtime (fiid seexasho)
Distractions
inspiration
Passion
Waxaan nahay bila’aadan, samayskena ayaana ah inaynan qaban karayn shaqo taaso aynu karahsanyno, xaata hadan qabano kuma qabanayno farxad iyo firfircooni ee waxaynu qabana shaqadas inago kolba saacada eegayna oo dhibsanyna.
Suurayso waxad joogta iskuulka waxadna ku jirta xiisad aadan jeclayn imisa jeer ayaad kolba fiirin lahayd inta xiisadas waqtigeda ka hadhay, waliba nasiib daro haday 5 daqiiqo ka hadhay xaata 5tas daqiiqo waxay kuula mid noqonaysa inay ka badan tahay 5ta daqiiqe caadiga ah.
Hadaba Passion waa qabashada shay aad xiisaynayso kaaso markad qabanayso aad dareemayso daganaan iyo fir-fircooni, qof walboo inaga midi wuxuu jecel yahay inuu barto shay, shaygaaso uu jecel yahay barshadiisa
Ugu dambayn waa inuu ahada waxad baranaysa wax aad jeceshahay.
Discipline
Waxaynu kasoo hadalnay Possion kaaso inaga saacidaya inan baro shay aan jecelnahay, hadaba Discipline wuxuu inaga saacidaya inaynu u barano shaygaas si joogto ah, waayo qabashada shay halmaalin 10 saac oo xidhiidh ah waxa ka fiican qabashada shaygaas 30 daqiiqo maalin walba mudo bil ah.
Hadaba waxan isla eegi doona sidaynu ku joogtay karo qabashada shay inago isticmaalayna day 1 rule ama (mudayn), waxaynu dajisanayna tusaale ahan 30 maalin oo an odhanyno waxan baranayna 30ka maalin ee soo socda xirfad hebel, inago qabsanaysa xili cayiman iyo goob aynu u astaynay.
“Joogtayntu waa buundada u dhexaysa goolashada iyo gaadhidooda“ .
Pomodoro Technique
Pomodoro Technique waa nidaam kaa saacidaya inaad u kala qaybiso waqtigaaga waqti wax barasho iyo waqti gaaban oo nasasho ah “break”.
Hadaba sidaynu u isticmaali karaa pomodoro tiechnique.
Dooro Task ama shay aad rabto inad qabato
Qabso mudo 25 minutes ah
kaliya Diirada saar shaygaas ad qabanyso ilaa ay ka dhamanayso 25kaas daqiiqo
Short break, Qaado waqti gaaban oo ilaa 5 daqiiqo ah ka bacdi samee shay aad rabtay inad qabato, amaba shay ad jeceshay , lkin waxan kugula talinaya inad ka dheerato internetka galidiisa.
Repeat, ku celceli 25kaas daqiiqo iyo 5taas nasashada ah tiro dhan 4 Jeer, ka bacdi qaado Long-Break (fasax dheer) 1 hour.
ugu dambayn systemkani waa midka laf dhabarta u ah qabasha shay saacado badan, mawduucan oo kaliyi wuxuu u qalmaa in laga qoro article isaga u gaara, hadad rabto inad ka ogaato mawduucan warbixin intan ka badan waxad daawan karta muuqalkan uu ka sameeyay Ogaansho.
Bedtime
Sidaynu ognahay maalinkenu wuxuu ku xidhan yahay, Habeenki ka horeeyan malinkas, Tusaale ahan hadaynu saamalaylnay habeenkas(dhafar) waxa hubaal ah in maalinkeenasi uusan ahan doonin maalin wax soo saar leh ama productive day.
Hadaba sideeynu ku seexan kara habeenki xili hore inagoo og faa’idoyinka uu u leedahay nafteena, waxa jira hal qodob oo laysku raacay kaaso ah ka fogaanshaha ama ka dheeranshaha blue lightka ama iftiinka kasoo baxa shaashadaha sida mobile da saacad ka hor waqtiga hurdada.
Distractions
hambalyo, hadaad soo gaadhay ilaa halkan waayo qodobkani waa mid kamida kuwa ugu hadal haynta badan marka ay timaaqo qabashada shaqo (Task).
hadaba waxa aynu joogna casri kaaso ay saa’id u fududahay in aad ka mashquusho shayga aad qabanaysay iyadoy kuugu filan tahay kaliya inad mobilkaaga furto aadna internetka gasho, iyadooy waxaso dhamina ku dhacayan mudo sikino gudahood ah.
hadaba waxaan ogaaday in habka ugu fudud ee aad kaga dheeran karta ay tahay adigoo dhiga mobile kaaga meel ka fog goobta ad ku qabanayso hawshaas, hadaba hadiiba ay dhacdo inaad uga baahan tahay wax mobile kaaga kaaso muhiim ah waxan kugula talinaya inaad iska xidho notification systemka mobilkaga amaba aad ka delete garayso mobile kaaga baraha bulshada si aysan kuu mashquulin oo aadna isticmaasho maalmo aad u qorshaysay.
waxyaabaha kaa mashquulin kara qabasha hawl waa ay badan yihiin waxaana qurxan marwalba inad ka dheerayso (fogayso) shaygaas goobtada shaqo ama waxbarasho ka hor inta aadan bilaabin hawshaas.
Inspiration
helitaanka dheerigalin iyo meel aynu ka helayno shiidal kaaso inoo ogaalanaya inaynaan meel dhexe ku istaagin waa waxa aynu u baahan nahay si aan u sii wadano hayaankena wax barasho, hadaba waxan odhan karaa inspiration waa helida cid aan ka tusaale qaadano si ay inoogu noqdaan dhiiri galin.
hadaba waxaan kula wadaagaya qaab aad ku heli karto dad wax kula baranaya mudo saacado badan ah, kaliya waxad tagtaa youtube adigoo ku qoraya study with me, ka bacdi waxad heli doonta dad kuwaaso live soo galaya iyagoo wax baranaya ka bacdi waxay kuu noqon karaan tusaale aad ku dayato.
ani ahaan waxan taagera youtuberkan loo yaqaano Pascal Zoels, laakin waxa jira youtubers badan, kaliya waxad ku xulan kartaa waa time systemkooda iyo habka ay u isticmaalan pomodoro technique.
Ugu dambayn waxan rajaynaya inaad ka faa’idey waxyaabo badan Article kan.